DHAGEYSO:Biriq ku dhacday munaaradda Makkah ee xaramka barakeysan ka dib roobab xooggan oo dabeylo watay oo da’ay

0
323

Biriq ama jac ayaa ku dhacday saacadda munaaradda ee magaalada barakeysan ee Makkah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya iyadoo ay saameyn ka dhalatay roobab iyo dabeylo xooggan oo ka da’ay Xaramka barakeysan.
Magaalada Makkah oo ay ku yaallaan goobaha ugu barakeysan ee Islaamka, ayaa waxaa lagu arkay dabeylo iyo roobab aad u xooggan oo saameeyay Xujeyda cumraysaneysay, iyadoona la xiray xarumaha waxbarashada.
Muuqaal la soo duubay ayaa muujinayay xujey Tawaaf sameynayay kuwaas oo wareegaya Kacbada iyagoo dhulka ku dhacay dabeysha iyo roobabka da’ayay oo xogganna.