Waaxda KEBS oo howlgal ka fulisay xarumo ganacsi oo lagu iibiyo kareemada la isku qurxiyo ee xaafadda Islii

0
229

Saraakiil ka tirsan waaxda dowlad dhexe u qaabilsan xaqiijinta badeecooyinka ee (KEBS) ayaa howlgal ka sameeyay xarumo ganacsi oo ku yaalla xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Xarumahan ganacsi ayaa la sheegay in lagu iibiyo badeecooyin la isku qurxiyo oo kontarabaan ah.
Waxaa howlgalkan si wadajir ah u fuliyay waaxda KEBS iyo dhigeeda dambi baarista ee DCI-da.
Saraakiisha ayaa u suurtagashay in labo dukaan oo ku yaalla xaafadda Islii ka dhex helay agabka ee dumarka isku qurxiyaan oo kontarabaan ah.
Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay labo tuhmane iyo in ka badan 450 oo ah kareemada la isku qurxiyo oo halis ku ah jirka iyo caafimaadka bini’aadamka.
Agabkan ayay horay dowladda Kenya mamnuucday isticmaalkooda.
Saraakiisha ayaa sheegay in agabkan la mamnuucay lagu dhex arkay xarumo ganacsi oo ku yaalla xaafadda Islii.
Kareemada ayay waaxda dowlad dhexe u qaabilsan xaqiijinta badeecooyinka ee (KEBS) ku sheegtay in laga soo geliyay waddooyin aan rasmi ahayn iyo xuduudaha.
Dadweynaha ayaa loogu baaqay in aysan iibsan agabkan la isku qurxiyo oo ay dowladda mamnuucday.