IEBC oo iska fogeysay eedeyn uga timid Junet Maxamad

0
543

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uu u jeediyay xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad oo ahayd inay carqaladeynayaan geeddisocodka hannaanka sharci beddelka ee BBI.
Mudanaha ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ka qayb galay kulan lagu qabtay magaalada Nairobi oo uu madaxa xisbiga ODM Raila Odinga kula hadlay dhallinyaro.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay in xaqiijinta saxiixyada dadka taageersan qorshahan ay tahay arrin dastuuri ah.
Waxaa uu hadalka ka soo yeeray Junet ku tilmaamay mid nasiib darro oo been abuur ah.
Mr. Chebukati ayaa xusay in marxaladihii hore ee xaqiijinta 4.4 milyan oo ah saxiixyada laga soo uruuriyay shacabka ay saameysay caqabad dhanka intarneetka ah.
Guddoomiyaha IEBC ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in howshan ay hadda si habsami leh u socoto oo ayna ku dadaalayaan in lagu soo gaba gabeeyo wakhti kooban.
Waxaa uu sharciga dalka dhigayaa in la helo ugu yaraan hal milyan oo saxiixyo ah si loo guda galo geeddisocodka lagu beddelaya qaar ka mid ah xeerarka wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here