Trump oo damaanad lacaageed lagu sii dayn ka dib marka uu isa soo dhiiba

0
303

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maalinimada Khamiista ee toddobaadkan oo isu dhiibi doono mas’uuliyiinta gobolka Georgia, si loogu soo oogo dacwado la xiriira inuu si sharci darro ah u maleegay tallaabooyin uu doonayay inuu meesha kaga saaro natiijadii doorashadii madaxtinimada ee dhacday sanadkii 2020-kii, taas oo uu ku guuldareystay.
Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada ku sheegay in 24-ka bishan uu tegaya magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, si loo xiro.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa, saacado uun ka dib markii maxkamadda ay sheegtay in Trump lagu sii dayn doono damaanad lacageed oo dhan 200 oo kun doolar, ka dib marka uu maxkamadda iska soo xaadiriyo.
Sarkaal ka tirsan xafiiska booliska ee degmada Fulton ayaa u sheegay warbaahinta, in marka Donald Trump uu isa soo xaadiriyo, in guud ahaan la xiri doono agagaarka xabsiga weyn ee degmadaasi.