Waqooyiga Kuuriyada oo isaga baxday ka qaybgalka cayaaraha Olympic-kada adduunka ee Tokyo

0
1136

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay gabi ahaanba isaga baxday ka qayb galka cayaaraha Olympic-kada adduunka ee lagu qabanayo magaalada Tokyo ee dalka Japan sababo la xiriira cudurka Coronavirus.
Warbixin lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee wasaaradda cayaaraha ee waqooyiga Kuuriya ayaa lagu baahiyay in guddiga sare ee dalkaasi u qaabilsan cayaaraha Olympic-kada ay go’aamiyeen in aan laga qayb galin cayaaraha sanadkan si loo dhowro bad-qabka ciyaartooyda xilligani oo dunidu si guud ay ula tacaalayso xanuunka COVID-19 oo marba marka ay ka dambeeya kor u sii kacaya.
Go’aankan ayaa ka dhigan in markii labaad Kuuriyada Waqooyi ay seegayso cayaaraha Olympic-kada adduunka.
Sanadki 1988-dii ayay sidan oo kale Kuuriyada Waqooyi waxay u qaadacday ka qaybgalka cayaarihi Olympic-kada xilligaasi oo ka dhacayay magaalada Seoul ee caasimadda Kuuriyada Koonfureed.
Kabixitaanka Waqooyiga Kuuriya ee ka qaybgalka cayaarahan ayay dad badan qabaan inay tahay mid siyaasadaysan.
Dowladda Japan oo martigalinaysa cayaaraha sanadkan ayaa iyadu dhankeeda ku adkaysanaysa inay si wayn ugu diyaar garowday marti galinta cayaarahan iyada oo la raacaya habka lagu ilaalinayo badqabka ciyaartooyda.
Ciyaarahan ayuu jadwalkoodi saxda ahaa in la qabto sanadki hore balse waxaa dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka dunida halakeeyay ee Covid-19
Sida uu qorshuhu yahay ciyaaraha Olympic-kada ayaa billaaban doono bisha Toddobaad ee sanadkan iyada oo la soo gaba gabayn doono bisha Siddeedaad ee isla sanadkan.