Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo habeenkii labaad ku hooyday xabsi ku yaalla Mandera

0
378

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa habeenkii labaad ku hooyday saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Mandera ee xuduud la ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Mudanahan ayaa maalinkii Isniinta ee toddobaadkan lagu xiray koontaroolka basaska la raaca ee magaalada Mandera.
Sida ku cad warqad dacwad ah oo uu bogaggiisa ku qaray wargeyska maxalliga ee ka soo baxa Kenya ee The Standard, xildhibaan Yuusuf Maxamad Gurxan ayaa la qabtay isagoo haysta kaarka aqoonsiga qaran ee Kenya oo la sheegay inuu si been abuur ah ku qaatay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska oo ka howlgala magaalada Mandera ayaa sheegay in inkastoo maamulka degmada Beledxaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo xildhibaanka, balse maanta maxkamad la soo taagi doono.
“Waxaan ka helnay warqad ka timid guddoomiyaha Beledxaawo oo uu ku codsanayo in la sii daayo xildhibaanka oo uu sheegay inuu ka tirsan yahay baarlamaanka Jubbaland sababo la xiriira xasaanaddiisa,” ayuu yiri sarkaalka booliiska,”
Xildhibaan Gurxan ayaa dhanka kale lagu soo oogay dacwad ah inuu been abuur ka sheegay qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ee Kenya oo loo yaqaano kibaandaha.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu Kenya ka soo galay meel qaldan oo aan laga soo galin.