Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada oo faahfaahiyay dacwadihii la qaaday labadii sano ee la...

DHAGEYSO:Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada oo faahfaahiyay dacwadihii la qaaday labadii sano ee la soo dhaafay

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo hadal ka jeedinyay shirweynaha Sanadlaha ah ee Garsoorka Soomaaliya ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay ku guulaysatay waxyaabo badan.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay sanadkan Qorshaynayaan in maxkamadda Ciidamada Qalabka sida la gaarsiiyo deegaanada Maamul goboleedyada gaar ahaa deegaanada Maamulka Galmudug oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dhacdooyin Xanuun badan oo saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah lagu dilay.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute wuxuu sidoo kale sheegay inay Culays weyn Maxkamadda ciidamada ku tahay shaqooyin dheeraad ah oo loo dhibay maadaama maxkamadihii lahaa iyo sharciyadii lagu dabaqi lahaa aan wali la helin sida sharciga la dagaalanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments