Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la dagaalanka musuqmaasuqa ee dowladdiisa uusan ku ekayn shaqaalaha hoose ee hay’adaha dowladda.
Waxaa uu sheegay in la arki doono dhawaan shakhsiyaad waawayn oo maxkamadda hortaagan, taas oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay ballanqaadka maamulkiisa.
“Howshu waa socotaa maalin walbana waxaa loo siii tagayaa lacago dheeri ah iyo meelo ay ku maqan yihiin maxkamadda guruubaa hadda taagan, laakin halkaas kuma dhamaato, waxaad arki doontaan dad waawayn oo maxkamadda taagan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxwrynaha ayaa xusay in uusan wax ixtiraam ah lahayn qofka xadaya ummadda xoolahooda, isagoo sheegay inay jiraan dad badan oo hantida dowladda oo ay xadeen daaro waawayn uga dhistay waddamada Turkiga iyo Kenya.
Waxaa uu ka digay in hab qabiil lagu difaaco dadka lagu soo eedeeyay musuqa ee haatan maxkamdayntoodu socoto.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sh “Dagaalka musuqamaasuqa kuma eka shaqaalaha hoose ee dowladda”