Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Caanood, ayaa sheegay in dowladda sahan ku sameysay dhammaan goobaha Al-Shabaab ay ku diyaarinayaan qaraxyada, isagoo sheegay tallaabada xigta ay tahay in dhul iyo cir laga weerrari doono kooxdan.
Waxaa uu sheegay in weerarkii maalmo ka hor laga fuliyay Buulo Fulaay iyo Galhareeri uu ahaa weerarro horay loo sii qorsheeyay, ka dib markii la ogaaday meelaha ay Al-Shabaab ku diyaariyaan qaraxyada.
“Weerarradii Buulo Fulaay iyo Galhareeri waxaa lagu baabi’iyay barihii lagu diyaarinayay qaraxda iyo baraha ay isugu yimaadaan amiirrada iyo nimanka howlgelinta iyo dagaallada u qaabilsan iyo barahooda taakulaynta iyo dawada ay ku kaydsadaan, dhammaantood waa la burburiyay,” ayuu yiri Caanood.
Sarreeye guuto Caanood ayaa ugu digay dadka shacabka ah inay ka fogaadaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Waxaa uu cid kaste oo ka dhega adaygta awaamiirta dowladda islamarkaana ay khasaare ka soo gaarta howlgallada dowladda iyo saaxiibbada caalamka in aan cidna la weydiinayn.
Afhayeenka wasaaradd gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in howlgalkii dhulka iyo cirka uu degdeg u billaaban doono.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Sarreeye guuto Caanood: Weerarradii Buulo Fulaay iyo Galhareeri waxaa lagu baabi’iyay barihii...