6 qof oo loo xiray dilka musharraxii madaxweyne ee Ecuador

0
316

Dowladda dalka Ecuador ayaa sheegtay in 6 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Colombia loo xiray dil toogasho ah oo dhawaan magaalada Quito loogu gaystay Fernando Villavicencio oo u tartamayay xilka madaxtinnimo.
Xafiiska xeer ilaalinta ee Ecuador ayaa bayaan ku sheegay in tuhmanayaasha la qabtay ay xubno ka yihiin koox burcad ah.
Arbacadii ayay ahayd markii la dilay Villavicencio oo horay u soo noqday xeer dejiye sidoo kalena si wayn ugu ololeyn jiray la dagaalanka musuqmaasuqa.
Siyaasigan ayaa sidoo kale aad uga hadli jiray wax ka qabashada ka ganacsiga daroogada ee gudaha Ecuador.
Dilka musharraxan oo 59 sano jir ahaa ayaa yimid 10 cishe ka hor inta aan wadankaasi lagu qaban wareegga koowaad ee doorashada madaxweynenimo.