SAWIRRO:Musharrax madaxweyne oo lagu dilay dalka Ecuador

0
354

Waxaa qaab toogasho ah lagu dilay Fernando Villavicencio oo u tartamayay xilka madaxweynenimo ee dalka Ecuador ka dib isku soo bax siyaasadeed oo uu ku qabtay caasimadda wadankaasi ee Quito.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qof looga shakiyay inuu dilkan gaystay uu markii dambe u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray is rasaaseyn dhacday xilli tuhmanaha la qabanayay sida laga soo xigtay madaxweynaha wadanka Ecuador ,Guillermo Lasso iyo mas’uuliyiin kale.
Lasso ayaa barta X ee horay loo yaqaanay Twitter-ka ku xaqiijiyay dilka loo gaystay Villavicencio wuxuuna ballanqaaday in falkaasi la is kula xisaabtami doono.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu ka naxay oo uu ka carooday dilka Fernando sidaasi awgeedna uu tacsi u diraya qoyskiisa iyo ehelladiisa.
Madaxweyne Lasso ayaa intaasi ku daray inuu saraakiisha sare ee ammaanka isugu yeeri doono kulan degdeg ah.
Wargeyska El Universo ee dalka Ecuador ayaa ku warramaya in
Villavicencio oo 59 sano jir ahaa horayna u soo noqday xildhibaan saddex mar laga toogtay madaxa.