Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday Nin la sheegay in uu ku Shaqeysanayay Sixir iyo Turufo, islamarkaana dumar badan uu Kufsi kula kacay isagoo Muuqaalo Anshax xumo ah ka duubay.
Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamad Xasan Shooble ayaa Ciidamada Booliiska Soomaaliya soo qabteen ka dib markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku soo dacweeyeen qaar ka mid ah dadka dhibanayaasha ee uu dhibaateeyay.
Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in billowgii sanadkan baaris uu sameeyay lagu ogaaday falal faaxisho ah oo uu sameeyay Abuukar Maxamad Xasan Shooble oo ay dhibanayaal u yihiin Haween badan oo uu kula kacay kufsi iyo in uu muuqaalo ka duubay, isaga oo adeegsanaya taleefoonno casri ah.
Haweenka qaarkood ayaa maxkamadda sheegay in uu ka helay lambaradooda Baraha Bulshada halka qaarkood uu la raacay Gawaarida dadweynaha ee Biāeelka loo yaqaano.
Qareenka difaacaya eedeysanaha ayaa dhankiisa qabo dood ka duwan mida ay qabto Xeer ilaalinta, sida uu sharraxayo mid kamid ah qareenada u doodaya eedesanaha.
Xeer ilaaliye kuxigeen Xiis ayaa Maxkamadda ka dalbaday in cadeymaha ay soo gudbiyeen darteed eedeysanaha loo ciqaabo falalka xun ee uu u gaystay dhibanayaasha.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan oo fadhiga Maanta soo xiray ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Abuukar Maxamad Xasan Shooble oo ah 10 Sano oo xabsi ah.