Shirkii maanta ee madaxda Soomaalida oo dib u dhacay & sababta oo la shaaciyay

0
623

Shirkii hordhac ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya , maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhacay.
Waxaana la go’aamiyay in berri oo Arbaco ah la isugu yimaado, marka uu dib ugu soo laabto Muqdisho madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shalay safar gaaban oo degdeg ah ku tagay Dhuusamareeb.
Shirka oo Sabtidii toddobaadkaan ka bilaawday Afisiyooni ayaa socday muddo laba maalin ah, iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin, waxaana shalay ay madaxda gashay nasasho & inay wadatashi dib ugu laabtaan saaxiibadooda kale.
Shirka Afisiyooni oo ay qaban qaabadeeda leeyihiin wakiilada beesha caalamka ayaa waxaa uu horudhac u yahay shirweynaha wadatashiga doorashooyinka e Ia filayo in uu dhawaan ka furmo Magaalada Muqdisho.