Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa shaaca ka qaadday in marka la gaaro bisha Sagalaad ee sanadkan qiimaha lacagta ee ay shacabka bil waliba ku bixiyaan sanduuqa caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo hadda ah 500 oo shilin laga dhigi doono 300.
Tallaabadan ayay hoosta ka xarriiqday inay qayb ka tahay nidaaminta adeegyada caafimaadka ee dalka.
Xilli ay ku sugnayd ismaamulka Bungoma ee Galbeedka dalka ayay Nakhumicha hooyooyinka ku boorrisay inay ka faa’iidaystaan daryeelka dowladda ee dhanka umusha oo ay xustay in wasaaradda caafimaadka ay sanad maaliyadeedkan u qoondeysay 4.1 bilyan oo shilin.