Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadallo la yeeshaan garabka Kenya Kwanza balse aynan marnaba aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay in la cadaadiyo ama la cabsi geliyo.
Waxaa uu madaxweyne William Ruto ugu baaqay inuunan caqabad ku noqon qabsoomidda wada xaajoodyada.
Mr. Odinga oo dhanka kale beeniyay inay doonayaan awood qaybsi ayaa wacad ku maray in haddii aan xal laga gaarin caqabadaha haysta kenyaanka sida qiimaha sarreeya ee maciishadda inay dib u billaabi doonaan dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda .
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha ku dhaliilay inuu ciidamada booliiska ku bogaadiyay ka falcelinta dibadbaxyada.