In ka badan 28 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Pakistan

0
344

Ugu yaraan 28 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil tareen oo ka dhacay Koonfurta dalka Pakistan.
Wasiirka marinnada tareennada ee dalka Pakistan Khawaja Saad Rafique ayaa shilka ku tilmaamay mid aad u wayn.
Rafique ayaa intaasi ku daray in tareenka uu siday ugu yaraan 1,000 qof oo rakaab ah ka hor inta uunan gadoomin.
Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Muqarrab Khan ayaa sheegay in shilka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 50 qof.
Bishii Lixaad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii shil u dhexeyay labo tareen oo laga soo tabiyay dalka Pakistan ay ku dhinteen ugu yaraan 65 qof halka 150 kalena ay ku dhaawacmeen.
Bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii in ka badan 75 rakaab ahaa ay ku dhinteen dab ka kacay tareenka Tezgam express.
Sanadkii 2005-tii , labo tareen oo isku dhacay xilli ay marayeen magaalada Ghotki ee dalka Pakistan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof.