Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga ku booqday askartii ciidankii ku dhaawacmay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Mr. Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu askarta uga mahadceliya sida geesinimada leh oo ay isaga difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isagoo u ballan qaaday in dowladdu u heellan tahay daryeelkooda dhankasta ah.
Qaar ka mid ah askarta dhaawaca ah ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan inay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Home Wararka Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isbitaalka ku booqday askartii ku dhaawacantay dagalkii Shabeellada...