Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Shiinaha oo markii ugu horreysay 8 bilood gudahood ay dad ugu dhinteen...

Shiinaha oo markii ugu horreysay 8 bilood gudahood ay dad ugu dhinteen COVID-19

Wadanka China ayaa maanta laga soo tabiyay dhimashadii ugu horeysay ee la xiriirta cudurka COVID-19 muddo 8 bilood gudaheed iyadoo wadankan uu dadaal ugu jiro xakameynta inuu cudurkan mar kale soo laba kacleeyo.
Dhimashadan ayaa imaaneysaa xilli khuburo ka socda Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay gareen magaaladii uu cudurkan ka soo bilawday ee Wuhan.
Khuburada ayaa guda galay baaritaan ku aaddan halka asal ahaan uu cudurkan ka soo jeedo iyo waxa keenay.
In ka badan 20 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga dalkaasi ayaa la galiyay xayiraad dhanka isu socodka ah halka sidoo kalena hal gobol oo dalkaasi ka mid looga dhawaaqay xaalad deg deg ah.
Dowladda Shiinaha ayaa ku guuleysatay inay xakameyso faafidda cudurkan si uusan ugu sii faafin magaalooyinka kale ee wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments