Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuuumada Fedraalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar oo maanta booqasho ku tagay xarunta safaaradda dowlada Turkiga ee Muqdisho, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee TEPA.
Heshiiskaan ayaa waxaa uu ahmiyad weyn u leeyahay kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga labada wadan, Waxayna isla-garteen dhisidda guddi farsamo oo ka shaqeysa saxar-tiridda iyo dhammeystirka heshiiskaasi ka hor inta aan la saxiixin.
Dhinacyadu, waxaa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga.
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa dawladda Turkiga kaga mahad celiyay kaalinta ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in guul laga gaari doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee labada wadan ka dhexeeya.
Safiirka Turkiga ayaana dhankiisa sheegay inay ka dawlad ahaan ka go’an tahay mar walba barar-taaga Soomaaliya isagoo carabka ku adkeeyey in heshiiska TEPA uu kor u qaadi doono iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.