Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 11 ruux halka 27 kalena la la’yahay ka dib roobab culus oo ka da’ay Waqooyiga dalka Shiinaha.
Meelaha dhibaatooyinka sida daadadka iyo dabeylaha xooggan laga soo tabiyay waxaa ka mid ah caasimadda Shiinaha ee Beijing.
Madaxweynaha wadankaasi, Xi Jinping ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaal kasta oo lagu soo samatabixinaya dadka gobolkaasi ku xanniban.
Duufaanta ay saameynta ka dhalatay ayaa loo yaqaanaa Doksuri waxayna wararku sheegayaan in webiyada Shiinaha ay si aan horay loo arag biyaha u buux dhaafiyeen.