Guddiga sare ee maamulka Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay in Soomaaliya la siiyo 75 milyan oo doolar, taas oo loogu talo galay kabka miisaaniyada dowladda Soomaaliya.
Deeqdaan ayaa si gaar ah uga timid barnaamijka horumarinta siyaasadda dhaqaalaha (DPO), sida lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka.
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay tallaabadaan oo ay ku tilmaamtay in lagu soo beegay waqtigii ugu habboonaa, taasoo sahlayso in si habsami leh ay u sii socdaan dadaalada loogu jiro kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.
Madaxa Bangiga Aduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay raacday dhabaha wanaagsan ee lagu gaarayo deyn cafinta, islamarkaana ay u baahan tahay in lagu garabsiiyo si ay uga gungaarto hiigsigeeda.
Bangiga adduunka ayaa sidoo kale dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku amaanay isbeddellada dhaqaale oo ay sameyneyso.
Hoos ka akhriso war-saxafadeedka oo dhameystiran:-