Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hoggaamiyaal ka tacsiyeeyay geeridii maamulihii hore ee madaxtooyada dalka

Hoggaamiyaal ka tacsiyeeyay geeridii maamulihii hore ee madaxtooyada dalka

Waxaa isa soo taraya farriimaha tacsida ah ee ay dirayaan madaxda siyaasadeed ee dalka ka dib markii uu shalay geeriyooday Abraham Kiptanui oo horay u soo noqday maamulaha madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Mas’uuliyiinta u tacsiyeeyay qoyskiisa, eheladiisa iyo asxaabtiisa waxaa ka mid ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka iyo senatarka ismaamulka Baringo ahna guddoomiyaha xisbiga KANU Gideon Moi .
Waxay dhammaantood Abraham Kiptanui ku tilmaameen shakhsi si deggan oo ay daacadnimo ku dheehan tahay ugu adeegi jiray dalka.
Mr. Odinga ayaa maamulihii hore ee State House ku sheegay qof mabda’a adag lahaa oo madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Arap Moi garab ku siiyay dhanka hoggaanka iyo la tacaalidda caqabado jiray.
Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ay xilligan garab taagan yihiin oo ay murugada la qaybsanayaan qoyska Abraham.
Abraham Kiptanui oo ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ayaa madaxweyne Moi la shaqeynayay ilaa 1996-dii xilligaas oo uu howlgab noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments