Hal qof oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Moscow

0
168

Waxaa lagu soo warramayaa in hal qof uu ku dhaawacmay weerar ay Ukraine ka gaysatay gudaha caasimadda dalka Ruushka ee Moscow.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dul marayay magaala madaxda wadankaasi.
Waxay wasaaradda cambaareysay falkaasi oo ay ku tilmaantay isku day argagixisannimo.
Weerarka aroornimadii hore ee maanta lagu soo qaaday Moscow ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay burbur taasoo keentay in si ku meel gaar ah loo xiro garoonka diyaaradaha ee magaladaasi.
Wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka ee TASS ayaa ku warramaysa in qofka dhaawacmay uu yahay ilaalo amni.
Dowladda Ukraine ayaan weli dhankeeda arrimahan ka hadlin.