Madaxweynaha dalka Niger , Maxamad Bazoum ayaa sheegay in la ilaalinaya guulaha dimuqraadiyadeed ee aan si fudud loo haleelin.
Bazoum ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in dhammaan shacabka Niger ee jecel dimuqraadiyadda iyo xurriyadda ay sidatan doonayaan.
Les acquis obtenus de haute lutte seront sauvegardés.
Tous les nigériens épris de démocratie et de liberté y veilleront.#MB— Mohamed Bazoum (@mohamedbazoum) July 27, 2023
Tani ayaa timid saacado un ka dib markii la soo tabiyay in mas’uulkan xilka looga tuuray inqilaab ay billaabeen ciidamada ilaalada madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Niamey.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Niger,Hassoumi Massoudou ayaa isna shacabka ay waddaniyaddu ku wayn tahay ka codsaday inaynan oggolaan afgembi.
Madaxa militariga dalkaasi, Amadou Cabdramane ayaa bayaan laga akhriyay telefishinka dowladda Niger ku sheegay in saraakiisha difaaca iyo kuwa ammaanka ay go’aansadeen in la soo afjaro muddada xukuumaddii jirtay amniga oo hoos u dhacay iyo maamul xumo awgeed.
Sidoo kale waxaa uu xusay in la xiray xuduudaha Niger laguna dhawaaqay bandow qaran.
Sidoo kale waxaa la hakiyay howlaha hay’adaha dowladeed ee dalkaasi.
Ciidamada militariga ayaa ka digay faragelin kasta oo shisheeye waxayna intaasi ku dareen inay tixgelinayaan badqabka madaxweyne Maxamad Bazoum.
Waxaa dhacdada laga soo tabiyay dalka Niger cambaareeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo sharci darro ku tilmaamay inqilaabka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa dhankeeda sheegtay inay si dhow oo walaac leh ula socoto xaaladda ka soo cusboonaatay Niger.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka , Antony Blinken ayaa dhankiisa dalbaday in si degdeg ah loo siidaayo madaxweynaha Niger wuxuuna sheegay in xukuumadda Washington ay si kulul u cambaareynaysa iskuday kasta oo si awood ah xukunka lagula wareegaya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Catherine Colonna ayaa sidoo kale cambaareysay tallaabada ay qaadeen militariga Niger waxayna ururrada gobolka ugu baaqday inay arrintaasi ka falceliyaan.