Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa ku xigeenka wasiirka maaliyadda ee dalka Ruushka Md. Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay dowladda Ruushku kaga cafisay DFS lacag ka badan 684 milyan oo doolar.
Biixi Iimaan Cige, ayaa saxiixida heshiiskan ku tilmaamay mid laf dhabar u ah dhameystirka geediga deyn cafiska dalka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ka dhacay magaalada Zeint Petersburg oo uu ka furmayo shirwaynaha Afrika iyo Ruushka oo ay ka qayb galayaan wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmad Jaamac.
Maanta ayaa lagu wadaa inuu shirweynaha Afrika iyo Ruushka ka furmo magaalada Zeint Petersburg, waxaana sidoo kale shirkaasi ka qayb galaya madax farabadan oo ka socota dalalka qaaradda Afrika.