Ruushka oo hal qof ku dilay magaalada Odesa

0
232

Duqeyn dhanka cirka ah oo ay ciidamada Ruushka xalay ka gaysteen magaala xeebeedda Odesa ee dalka Ukraine ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ilaalo ahaa.
Guddoomiye goboleed ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi lagu burburiyay qaybta xamuulka ee dekadda.
Ruushka ayaa tan iyo markii uu toddobaadkii hore iskaga baxay heshiiska dhoofinta qamaddiga ee badda madow bartilmaameedsanayay dekadaha gobolkaasi.