Shilka geystay khasaare dhimasho ah iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa uu xalay ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer Soomaaliland.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gaari Land Cruiser ah uu jiiray Mooto Bajaaj mareysay Xaafada Biriishka Deero ee Magaalada Burco, waxaana halkaasi ku dhintay wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray Cabdicasiis Siciid Xasan.
Wararka waxaay intaas ku darayaan in burbur xoogan uu soo gaaray mootada, iyadoo markii hore dhaawac ahaan loo qaaday wadaha mooto bajaajta, basle markii dambe uu geeriyooday.
Ciidamo ka tirsan ilaalada Wadooyinka ee Soomaliland ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyagoo gacanta ku dhigay Xabsigana dhigay wadihii Gaariga Land Cruiser ah.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Soomaliland kusoo batay shilalka Gawaarida waxaana shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay ku geeriyooday Shacab iyo askar ka tirsan Ciidanka Soomaaliland.