Laba Xubnood oo kamid ah Shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku leh codka qaxayan ayaa farriin looga dalbanayo inay xal ka gaaraan Muranka doorashada Madaxda dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada soo gaarsiiyay Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xubnaha ka tirsan shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble soo gaarsiiyeen inay cunaqabateyn saari doonaan cidii tanaasul iyo dabacsanaan la xiriirta doorashada Soomaaliya la imaan weydo.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen dhawaan waxaa Warbixino la xiriira khilafka doorashada Soomaaliya u gudbiyay Wakiillada Beesha Caalamka, taasoo ahayd in ilaa iyo hadda ay suurogalin xalka gaarista khilaafka doorashada Soomaaliya.
Warar toddobaadkii hore soo baxayay ayaa dhanka kale waxaay sheegayeen in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay cadaadis la xiriira inay kulmaan saartay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa kulan aan wax horumar ah laga gaarin uu Teendhada Afisiyooni uga Socday Madaxda dowladda dhexe,Maamul Goboleedyada & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Home Wararka Soomaaliya Hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo laga dalbaday inay xal ka gaaraan khilaafka doorashooyinka