Ingiriiska oo ka digay in Ruushka uu bartilmaameedsan karo maraakiibta rayidka

0
271

Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ah in dowladda Ruushka ay billaabi karto bartilmaameedsi ka dhan ah maraakiibta rayidka.
Ergeyga Ingiriiska ku matalo qaramada midoobay, Barbara Woodward ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay intaasi ku dartay inay hayaan xog sirdoon oo tilmaamaysa in militariga Ruushka uu weerari karo maraakiibta badda madow.
Waxaa digniin tani la mid ah toddobaadkii hore soo saaray Maraykanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Midowga Yurub uu Ukraine u ballan qaaday in siyaabaha kala duwan ee gaadiidka looga caawinaya dhoofinta dalagyada ay soo saarto.