DHAGEYSO:Kismaayo oo uu ka hirgalay bandow habeenkii ah

0
604

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose sidoo kalena ah Caasimadda KMG ee Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Jubbaland ka dhaqan Galay Bandow xilliga Habeenkii oo lagu soo rogay Magaladaa si looga hortaggo faafitaanka cudurka Coroona viruus.
Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo ayaa Xaafadaha Magaaladaasi ka sameeyeen Howlgal al-baabada la isugu dhufanayay goobaha Ganacsiga ee furan wixii ka dambeeya Sideeda Habeenimo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta la hadlay wuxuuna Faahfaahin ka bixiyay Bandowga isagoo sheegay in xaaladaha Cudurka Covid 19 ee magaalada Kismaayo ay aad u bateen loona baahan yahay in taxadarka Bulshada la badiyo si Cudurka Xakamayntiisa loogu Guulaysto.