Midowga Yurub ee EU-da ayaa dejinaya qorsho uu ku garab istaagaya dowladda Ukraine oo uu weli duullaan militari ku haya Ruushka.
Qorshahan ayaa ah in Ukraine la siiyo 20 bilyan oo Euro una dhiganta 22 bilyan oo doolar.
Caawimaaddan ayaa loo adeegsanaya in xukuumadda Kyiv ay hesho hub dheeraad ah.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaaday madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub , Josep Borrell oo wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub kula hadlayay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Borrell ayaa intaasi ku daray in EU-da ay taageerada Ukraine ee hadda la bixiyo u beddeli doonto mid muddo dheer sii jirta.




