Ruushka oo weerarro ka gaystay magaalada Odesa ee Ukraine

0
169

Dowladda Ruushka ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fulisay magaala xeebeedda Odesa ee dalka Ukraine.
Weerarka xalay ayaa ahaa midkii labaad ee halkaasi laga gaystay.
Sidoo kale waxaa weerarro laga soo tabiyay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv sida laga soo xigtay maamulka militari ee magaaladaasi.
Dhanka kale ciidamada ilaalada hawada ee dalka Ukraine ayaa sheegaya inay ku guulaysteen soo rididda 37 ka mid ah waxyaabihii uu Ruushka ku adeegsanayay weerarradi xalay.
Waxyaabahan ayaa isugu jiro 23 ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo 14 gantaal.
Ciidamada ayaa intaasi ku daray in xarumaha militariga iyo kaabayaasha muhiimka ah xalay la duqeeyay.