Ruushka oo xalay duqeymo ka fuliyey Koonfurta Ukraine

0
210

Dowladda Ruushka ayaa xalay weerarro dhanka cirka ah oo loo adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ka fulisay Koonfurta iyo Bariga wadanka Ukraine.
Waxaa sidatan sheegay saraakiil ka tirsan dowladda Ukraine.
Meelaha la duqeeyay ayaa kala ah Koonfurta magaala xeebeedda Odesa iyo magaalada Mykolaiv.
Duqeymaha ayaa saameeyay gobollada Donetsk, Kherson, Zaporizhia iyo Dnipropetrovsk ee Ukraine.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka ,Marat Khusnullin ayaa sheegay in 1-da bisha 11-aad ee sanadkan dib loo dhisi doono buundadii Crimea ee Isniintii la bartilmaameedsaday.