Dad ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0
678

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay afar kalana way ku dhaawacantay weerar isqarxin ah oo ka dhacay makhaayad ku taalla caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho xalay fiidkii.
Qaraxa ayaa ka dhacay makhaayadda shaaha lagu cabbo oo ku taalla degmada Shingaani.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in qaraxa xalay ay ku dhinteen dad gaaraya 6 ruux oo afar ka mid ah dhalinyaro ahayeen iyo wiil Saqiir ah iyo waliba ruuxii is qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo la geeyay goobaha Caafimaadka.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhoweyd wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo saldhig boolis.
Qaraxan ayaa imanaya iyadoo uu soo xirmay shirkii hordhaca ahaa ee ay lahaayeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo shalay ka dhacay xerada Afisyooni ee Muqdisho.