Hay’adda caafimaadka adduunka oo eedeysay Somaliland

0
244

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay inay ka xun tahay islamarkaana ay cambaaraynayso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Laascaanood 11-kii bishan, sida ay hadalka u dhigeen.
Agaasimaha guud ee hay’adda WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay, in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii xaruntaasi caafimaad joogay.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer sheegtay in aynan iyadu beegsan goobaha caafimaadka, xilli muddooyinkii u dambeeyey uu dagaal ka socday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.