3.3 bilyan oo qof oo ku nool waddamo qarashaad badan ku bixiya deymaha

0
226

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in qiyaastii 3.3 bilyan oo qof ay ku nool yihiin waddamo dhaqaalaha ugu badan uu uga baxo inay gudaan deymo lagu leeyahay marka loo barbardhigo mashaariicda dhanka caafimaadka iyo waxbarashada.
Tirada dadkan ayaa ah ku dhawaad kala bar tirada guud ee dadweynaha ku nool caalamka oo lagu qiyaaso ilaa 8 bilyan oo qof.
Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ,Antonio Guterres oo warbixinta soo bandhigay ayaa sheegay inay tahay arrin walaac laga muujiyo in dunida ay aad ugu hooseyso dhanka maalgelinta horumarka marka loo barbardhigo culeysyada amaahda.