Ugu yaraan 5 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Nepal

0
291

In ka badan 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen diyaarad ah nooca qummaatiga u kaca ee helikobtarka oo shil ku gashay meel u dhow buurta Mount Everest ee dalka Nepal.
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Manang Air ayaa sidday 5 dalxiisayaal ah oo u dhashay Mexico waxaana waday duuliye ka soo jeedo Nepal.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda ay soo dhacday xilli ay ku wajahnayd caasimadda Nepal ee Kathmandu iyadoo ka soo duushay degmada Solukhunvhu oo ay ku taalla buurta loo dalxiis tago ee Mount Everest.
6 bilood ka hor ayay ahayd markii shil diyaaradeed oo ka dhacay galbeedka Nepal ay ku dhinteen 72 qof.