Rw Xamse oo ka hadlay khilaafka Puntland iyo colaadda Laascaanood

0
304

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in si nabad ah lagus oo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira maamul goboleedka Puntland.
Waxaa uu sheegay inuu la xiriiray qaar ka mid ah isimada Puntland, isagoo sheegay inuu ku boorriyay in nabadda la xoojiyo, islamarkaana wax kasta oo khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal.
Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu baaqay Somaliland inay joojiso madaafiicda ay ku garaacayso magaalada Laascaanood.
Waxaa uu ku tilmaamay arrin nasiib darro ah in shacabka si joogto ah loogu garaaco hoobiyayaal.
Rw Xamse ayaa ugu baaqay Somaliland inay ciidamadooda ka saaraan goobaha ay ku sugan yihiin , ayna aqbalaan baaqyada ka soo yeeraya bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.
Waxaa uu sheegay in wax kaste lagu dhameeyo wada hadal, si loo soo afjaro colaadda oo uu ku tilmaamay inay tahay nasiib darro inay sii socoto.