Ruushka oo 7 qof ku dilay Ukraine

0
205

Weerar ay ciidamada Ruushka ka gaysteen goob lagu qaybinayay gargaar baniaadannimo oo ku taalla Koonfurta Bari ee dalka Ukraine ayaa waxaa ku dhintay 7 ruux.
Guddoomiyaha gobolka Zaporizhia,Yuriy Malashko ayaa sheegay in dugsi ku yaalla magaalada yar ee Orikhiv bam lagu bartilmaameedsaday.
Waxaa uu xusay in afar qof ay isla goobta ku dhinteen halka saddex kale ay geeriyoodeen xilli la daaweynayay.
Sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda Ukraine , labo qof oo dheeraad ah ayaa lagu dilay weerar kale oo ka dhacay bariga wadankaasi.