DHAGEYSO:Taliska xogga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ee Bariire iyo Awdheegle

0
607

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay weerar xoogan oo aroornimadii hore ee saaka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliye Odawaa oo la hadlay Telefashinka Qaranka ee dalkaasi ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar gaadmo kusoo qaadan Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Bariire iyo Awdheegle, hayeeshee la fashiliyay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay Taliye Odawaa Yuusuf in dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas, ayna khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaanka Bariire iyo Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayna xaaladda tahay mid degan, in kastoo uusan khasaaro shaacin.
Dhinaca kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu tilmaamay in dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab uu haatan ka socdo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka.
Al-shabaab warar barahooda qadka ay ku qoreen ayaa waxaa a ku sheegeen in saaka weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada dowladda ee Awdheegle iyo Bariire, ayna la wareegeen gacan ku heynta Saldhigyada.
Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay intaas kusii dareen in Dhammaan wixii gaadiid ahaa ee saldhigyada la weeraray yaalla ay gacanta ku dhigeen, waa sida hadalka u dhigeen Shabaabka, si rasmi ahna lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.
Mar uu la hadlay telefishinka qaranka Soomaaliya ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa