Madaxweynaha Ukraine oo booqanaya Turkiga

0
260

Madaxweynaha dalka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku tago wadanka Turkiga.
Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa ku warramaysa inuu halkaasi wada hadal kula yeelan doono dhigiisa Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaraya heshiiska dhoofinta qamaddiga ee Badda Madow iyo waxyaabaha ku soo kordhay duullaanka militari ee uu in ka badan hal sano Ruushku ka wado gudaha Ukraine.
Zelenskyy iyo Erdogan oo yeelanaya wada hadallo fool ka fool ah ayaa sidoo kale guddoomin doono shirarka wufuud matalaya labada dal.