Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo hore loo oran jiray AMISOM, ayaa soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee dhimista ciidamo gaaraya 2 kun oo askari, iyadoo ammaanka goobaha ay ka baxeen lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Ciidamada ATMIS oo ka koobnaa 18,568 askari wixii ka horreyay bishii 12-aad ee sanadkii hore, ayaa sameyn doona dhimis kale bisha 9-aad ee sanadkan iyo bisha Lixaad ee sanadka 2024-ka, taas oo ay xigi doonto bixitaan kama dambeysta ah ee ciidanka ATMIS ee bisha 12-aad isla sanadkaasi.
Hasa ahaate, waxaa jiro walaac laga muujiyay dhimistaan.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee loo beddelay 1-dii dii bishii Afaraad ee April ee sanadkii hore ATMIS, waxaa 19-kii bishii Koowaad ee sanadkii 2007-da dhidibada u taagay golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ka dib golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 20-kii bishii Labaad ee isla sanadkaasi u oggolaaday Midowga Afrika inuu ciidamo nabad ilaalin ah u diro Soomaaliya kuwaas oo ka howlgalayay Soomaaliya muddo lix bilood.
Hasa ahaate, ciidamadaan ayaa Soomaaliya jooga in ka badan 15 sano.
Howlgalka ayaa waxaa lagu billaabay ciidamo ka socday waddamada Uganda iyo Burundi halka ay dib ugu soo biireen ciidamada waddamada safka hore ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.
Billaabashada ka bixitaankooda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab oo haysta deegaanno ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta wadankaasi.