Muxuu u qabsoomi la’ yahay shirka isimada Puntland ee Garoowe ka dhici lahaa?

0
224

Shirkii isimada Puntland ay isugu imaan lahaayeen magaalada Garoowe ayaa qabsoomi la’, sababo la xiriira khilaaf iyo kalsooni darro ka dhex jira qaar ka mid ah isimada dhexdooda.
Inkastoo badi isimadu ay ku sugan yihiin magaalada Garowe, haddana ma jiro kulan rasmi ah oo iyaga dhexmaray ilaa iyo haatan, walow ay socdaan dadaalo ay wadaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Isimada ayaa billaabay inay si keli keli ah ula kulmaan madaxweynaha iyo dhinaca mucaaradka, iyagoo isku dayaya inay ku qanciyaan in la sameeyo tanaasul, si aanay Puntland u galin qalalaase siyaasadeed oo uu dhiig ku daato.
Isimada laftooda ayaa loo arkaa in aysan dhex-dhexaad horeyba uga ahayn arrimaha ka taagan Puntland, qaar ka mid ah ayaa lagu tuhmayaa inay la safan yihiin mucaaradka, halka qaar kalena lagu tuhmayo inay dowladda raacsan yihiin.
Sababtaas ayaa loo arkaa inay tahay midda ugu weyn ee keentay qabsoomid la’aanta shirka isimada Puntland, waxaa kale oo xusid mudan in dhacdooyinkii horay uga dhacay Puntland aanay isimadu si isku mid ah uga qayb qaadan xalkooda.
Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, sida aan xogta ku helayno kuma qanacsana qabsoomida shirka isimada, weli madaxweynuhu lama kulmin isimada, isagoo u arka wax kaste oo ka soo baxa shirka isimada in aanay farxad galindoonin.
Deni iyo guddoomiyihiisa baarlamaanka waxay aaminsan yihiin in aanay cidna ishortaagi karin arrimaha dowladdu waddo sida furista dastuurka iyo dhameystirka geeddisocodka doorashada.
Isku soo wada duuboo, haddii aanay wax isbeddel ah imaanin waxa laga yaaba inuu fashilmo shirka isimada, taas oo keeni karta in khilaafku meel adag uu gaaro.