Waxaa lagu wadaa in berrito Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Hoggaanka Maamul Goboleedyada,madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa ka dhacaya Xaruntii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya Afisyooni waxaana kaalinta ugu weyn ku leh dhinacyada beesha Caalamka ee Soomaaliya taageera.
Warqad ka soo baxday Xalay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/laahi Farmaajo uu hoggaanka Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir isugu yeeray Kulan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliy oo dib u dhac ku yimid ka dib muran iyo Isfahan waa ka dhexeeya Maamulada qaar iyo dowladda dhexe Hoggaankeeda.