Waxaa dalka Faransiiska laga soo tabinaya iskudhacyo dhex maray saraakiisha booliiska iyo dad dibadbaxayay oo ka carooday toogasho ay sheegeen in ciidamada ammaanka ay u gaysteen wiil 17 sano jir ahaa.
Magaca qofka ay rasaasta uga dhacday xabadka ayaa lagu soo koobay Nahel.
Hooyada wiilka la dilay ayaa codsatay in maanta dalkaasi Faransiiska laga sameeyo mudaaharaad ka dhan ah falka lagu eedeynaya booliiska.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 2,000 oo ah booliiska la tacaala rabshadaha laga howlgeliyay caasimadda dalkaasi ee Paris iyo degmooyinka u dhow.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Faransiiska, Gérald Darmanin ayaa sheegay in xalay la xiray 150 qof.




