Waxaa la filayaa in guddiga arrimaha caafimaadka ee aqalka sare uu ka soo hormuuqdo Peter Tum oo soo noqday xoghayihii waaxda adeegyada caafimaadka ee dalka.
Mas’uulkan ayaa su’aallo laga waydiin doonaa fadeexad dhanka soo iibsashada qalabka ah oo sameysay maamulka KEMSA.
Waxaa la rumeysan yahay in wax is daba marintan uu maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA ku lumiyey lacag gaaraysa 3.7 bilyan oo shilin.
Tum ayaa guddiga hor tagi doono barqannimada maanta.




