Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay isbeddel ballaaran ku sameyn doonto ka ganacsiga caanaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in warshadda iskaashatooyinka ee (KCC) laga dhigi doono mid qaab casri ah ku shaqeysa .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sidoo kale la ballaarinaya suuqyada loo iibgeeyo caanaha ay warshaddan soo saarto.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xilli uu maanta booqday warshadda caanaha ee xaafadda Dandora ee ismaamulka Nairobi hoosta ka xarriiqay in isbeddellada la sameynaya looga gol-leeyahay in ganacsatada ay si buuxda uga macaashaan wax soo saarkooda iyadoo meesha laga saaraya dadka ganacsigan carqaladeeya.
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) June 27, 2023




