Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wakiilka QM oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Wakiilka QM oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya Amb, James Swan.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed ( laftagareen) iyo Xubno ka tirsan Maamulkiisa.
Intaasi kadib Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Wakiilka Qaramada Soomaaliya Amb, James Swan ayaa xarunta Madaxtooyada waxaay ku yeesheen kulan ay kaga hadleen arrimaha la xiriira doorashooyinka uu muranka ka taagan yahay iyo sida looga gudbi karo caqabadaha jira.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa la sheegay inuu maalmahaan waday dhex dhexaadin ku saabsan muranka doorashooyinka, isla markaana sigaar ah uu kala hadlay Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland & Puntland.
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa wararku waxaay sheegayaan in sidoo kale uu booqan doono Maamulada kale ee dalka ka jira, isagoo kala hadli doono xalka gaarista arrimaha doorashooyinka Qaranka.
Khilafka la xiriira doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, kaasoo ka dhashay Guddiga doorashooyinka ay dowladda Magacaawday, waxaana uu xoogeystay markii Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in la bilaabayo hirgelinta doorashada ayadoo dhanka aklena wali murankii jiro.
Sidoo kale dadaalkaan xal u raadinta ah ee uu bilaabay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu fashilmay Jadwalkii labaad ee doorashada Aqalka Sare oo ay soo saareen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dadbadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments