DHAGEYSO:Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adaha lacagta aduunka

0
392

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan arragga uga qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Aduunka IMF iyo Bangiga Aduunka World Bank oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Carabta, kaasoo socon doona muddo Toddobaad ah.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa si gaar ah shir ula yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo Agaasimaha Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina Georgieva waxayna ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo dhanka Maaliyadda la Xaariira.
Wasiie Beyle ayaa sheegay in sidoo kale laga wada hadlay sidii dalalka ay dhaqaalahoodu hooseeyaan looga Caawin laaha soo iibsahsada tallaalka Cudurka Covid 19 ka dhanka ah.