Maamulka gobolka Banaadir oo Awaamiir Cusub Soo saaray

0
669

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shacabka Magaalada Muqdisho uga digay inay ku dhex Ganacsadaan wadada Kacaanka ee loo yaqaano Cir-toogtaha, taasoo ku taalla Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Wadadaas oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Blacksea & Isgoyska Bakaaraha ayaa horay u burbursanayd, hayeeshee Maamulka Gobolka Banadir uu dib u dhis ku sameeyay, waxaana horay ugu dhex Ganacsan jiray dad u badan warato, kuwaasoo wadada Gabi ahaanba xiray.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen Mas’uuliyiinta degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa looga digay Ganacsatada yaryar inay ku dhex Ganacsadaan wadada Cirtoogte oo dib loo furay.
Guddoomiyaha degmada Howl-wadaag Mustaf Cali Kheyre ayaa sheegay in wadadaan ay aheyd 30kii Sano ee la soo dhaafay mid burbursan, balse Maamulka Gobolka Banaadir uu ku guuleystay in dib la dhiso laguna soo celiyo sidii ay ahaan jirtay.
Waxaa uu sheegay inay jiraan Ganacsato yar yar oo ku dhex Ganacsanaya wadada, waxaana uu sheegay in, iyagoo fulinaya Amarka guddoomiyaha Gobolka Banaadir aysan ogolaan doonin in lagu dhex Ganacsado wadadaasi.
Wadada Cirtoogtaha ayaa waxaay kamid tahay meelaha ugu mashquulka badan Magalada Muqdisho, waxaana ku dhex Ganacsada dad farabadan, taasoo sababtay in wax gaadiid ah uusan marin, balse Maamulka gobolka Banaadir ayaa hada furay kana joojiyeen in lagu Ganacsado wadada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here